WARBIXIN: Ka Hor Cristiano Ronaldo, Wax Ka Ogow Xiddigaha Magaca Ku leh Kubada Cagta Ee Ka Soo Ciyaaray Horyalka Serie A-da

Horyaalka Serie A-da ayaa hoos u dhaca sanadihii ugu dambeeyay iyada oo ayna xiddigo waaweyn oo magac leh ka ciyaarin sanadihii ugu dambeeyay.

Ricardo Kaka ayaa ugu dambeeyay weyn oo ka ciyaara horyaalka Serie A-da taas oo keentay in uu horyaalku hoos u dhoco hadii ay noqoto tartamada yurub iyo waliba daawashadooda.

Si kast ah ahaatee horyaalka Serie A-da ayaa ahaan jiray mid ay ku kulmaan xiddigaha ugu fiican adduunka kuwaas oo ay u soo ciyaareen xiddigaha ugu fiican adduunka.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa Cristiano Ronaldo iyo 8 xiddig oo magac leh oo ku biiray horyaalka Serie A-da.

Image result for Cristiano Ronaldo and eight other stars who left for the Italian League

1.Cristiano Ronaldo:  ayaa ka tagay Real Madrid xagaagan waxana uu ka ciyaari doonaa Juventus xilli ciyaareedka dambe.

2.Diego Armando Maradona: Xiddigan ayaa kooxda Napoli kaga soo biiray kooxda Barcelona xagaagii 1984.

3.Lothar Matthaus: ayaa kooxda Inter Milan kaga biiray kooxda Bayern Munich sanadkii 1988.

4.Rivaldo: ayaa kooxda Ac Milan kaga biiray Kooxda Barcelona sanadkii 2002.

5.Ronaldinho: ayaa Ac Milan kaga biiray kooxda Barcelona sanadkii 2008.

6.Ronaldo: ayaa u ciyaaray Inter Milan iyo Ac Milan kadib markii uu ka tagay kooxda Barcelona 1997 ka hor inta uuna ku laaban Real Madrid.

7.Samuel Eto’o: ayaa Inter Milan kaga biiray kooxda Barcelona kadib sanadkii 2015 waxa uu ku biiray Sampdoria ka hor inta uuna ku biirin Everton.

8.Zlatan Ibrahimovic: xiddiga ayaa wakhti ku qaatay kooxaha Inter Milan iyo Juventus ka hor inta uuna ku biirin Barcelona hadana 2010 ku laaban Ac Milan.

9.Dennis Bergkamp: ayaa kooxda Inter Milan kaga biiray kooxda Ajax sanadkii 1993

Fikirkaada Ku Dhiibo Facebook ama qeybta hoose

Hal Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “WARBIXIN: Ka Hor Cristiano Ronaldo, Wax Ka Ogow Xiddigaha Magaca Ku leh Kubada Cagta Ee Ka Soo Ciyaaray Horyalka Serie A-da

Halkaan Ku Qor Fikirkaada