Waa Kuma Matteo Guendouzi? Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Saxiixa Cusub Ee Kooxda Arsenal Ee Matteo Guendouzi.

Kooxda Arsenal ayaa dhamaystirtay saxiixa da,yarka reer France ee Matteo Guendouzi.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Lorient ayaa ayaa Gunners ugu biiray heshiis shan sano ah kadib markii ay ka soo bixisay lacag dhan 8 milyan oo euro.

Xiddiga ayaa ah saxiixii 5-aad ee Arsenal ee xagaagan kaas oo kooxdiisa cusub u xiran doona maaliyada 29 xilli ciyaareedka dambe.

Guendouzi ayaa kooxda kula soo biiray xiddigaha ernd Leno, Stephan Lichtsteiner, Sokratis Papastathopoulos iyo xiddiga reer Uruguay ee Lucas Torreira.

Laakiin waa kuma Guendouzi? wargayska Football.London ayaa si dhaw u eegay xiddiga cusub ee kooxda Arsenal.

Waa Kuma Matteo Guendouzi?

Waa 19 jir ka ciyaara khadka dhexe ee daafaca kaas oo xirfadiisa ciyaareed ka bilaabay kooxda PSG ka hor inta uuna 2014 ku biirin kooxda Lorient.

Xiddiga ayaa kooxda horyaalka heer 2-aad u saftay kulankiisii ugu horeeyay intii lagu guda jiray xilli ciyaareedkii 2015/2016, isaga oo kulankiisii ugu horeeyay kaydka ka soo kacay kulankii ay guuldarada 2/1 ah kala kulantay kooxdiisa kooxda Nantes October 2016.

Xiddiga ayaa 8 kulan oo kale saftay kulankaas ka hor inta uuna xilli ciyaareedkii xigay ciyaaray 20 kulan tartamada oo dhn kooxdiisana ka caawiyay in ay ku dhamaysato kaalinta 7-aad ee horyaalka heerka 2-aad ee France.

Guendouzi matalay heerarka kala duwan ee xulka France ee U18,U19 iyo U20.

Kooxehee Kale Ayaa Doonayay Adeegiis?

Kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan Arsenal ee Tottenham ayaa ku dhawaaday in ay xiddiga u dhqaaqdo adeegiisa suuqii Janaury halka ay sidoo kale kooxda Man city xiiso u muujisay lana xiriirtay wakiilkiisa.

Imisa Ayuu Ahaa Qiimihiisu?

Lorient ayaa doonaysay ku dhawaad 9 milyan oo euro kadib markii ay kooxdaha reer premier League xiisaha u muujiyeen xiddigan da,yarka ah.

Kooxda reer France ayaa heshay dalab 5 milyan ah oo laga gudbiyay dalabka saxiixa suuqii January laakiin isla markiiba way diiday dalabkaas.

Si kasta ha ahaatee Lorient ayaa aqbashay dalab lacageed oo dhan 8 milyan oo ay Gunners ka gudbisay saxiixa xiddigan aadka loo qiimeeyo.

Sidee Ayuu Ahaa Qaab ciyaareedkiisii xilli ciyaareedkii hore?

Guendouzi ayaa qaab fiican soo bandhigay xilli ciyaareedkii hore kadib markii ay kooxdiisu ka hadhay horyaalka heerka 1-aad ee France xilli ciyaareedkii 2016/2017.

Kadib markii uu kulamo dhawr ah u ciyaaray kooxdiisa markii ay ku jirtay horyaalka heerka 1-aad xiddiga khadka dhexe ayaa si joogto ah u ciyaaray kooxdiisa isaga oo saftay 17 kulan oo horyaalka heer-ka 2-aad ah.

Si kasta ha ahaatee xiddigan ayaa si lama filaan ah looga waayay shaxda Joogtada ah iyada oo loo sababaynayo in uu xiddigu diiday heshiis cusub.

undefined

undefined

undefined

undefined

undefined

undefined

Fikirkaada Ku Dhiibo Facebook ama qeybta hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada