Real Madrid, Barcelona & Atletico Madrid Oo Xiddigaha Ugu Badan Ku Lahaan Doona Finalka Koobka Adduunka, Sidee Ayay Ugu Kala Leeyihiin?

Finalka Koobka adduunka Russia 2018 ayaa la qaban doonaa Axada waxana si weyn uga dhex muuqan doona xiddigaha Horyaalka La Liga iyada oo ay xiddigaha Real Madrid, Barcelona & Atletico Madrid ka soo muuqan doonaan.

Croatia ayaa England ku garaacday 2/1 wakhtigii dheeriga ahaa kulankii xalay iyaga oo xaqiiqsaday booskood Finalka koobka adduunka iyaga oo la ciyaari doona xulka qaranka France.

Real Madrid ayaa ku lahaan Doonta Raphael Varane oo ku bilaaban doona shaxda France si la mid ah Luka Modric oo ku bilaaban doona shaxda Croatia.

Dhanka Barcelona waxa ay ku lahaan doontaa Samuel Umtiti oo ku bilaaban doona shaxda Les Bleus iyo Ivan Rikitic oo ku bilaaban doona dhanka Croatia.

Xiddigaha Ousmane Dembele & Mateo Kovacic ayaa laga yaabaa in ayna ku bilaaban kulanka laakiin ay ka qayb qaadan doonaa finalka bandhiga ugu weyn adduunka.

Atletico Madrid ayaa sidoo kale ku leh 3 xiddig kuwaas oo kala ah Lucas Hernandez & Antoine Griezmann oo ku bilaaban doona shaxda France iyo Sime Vrsaljko oo ku bilaaban doona shaxda Croatia.

Waxa intaas sii dheer in xiddiga kooxda Sevilla ee Steven Nzonzi oo haatan lala xiriirinayo kooxda Arsenal ayaa ka mid ahaan doona xulka France.

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

Halkaan Ku Qor Fikirkaada