Rasmi: Kooxda Real Madrid Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday Shaqaalaha Tababare Tababare Julen Lopetegui

Kooxda Real Madrid ayaa tababare ka dhigatay Julen Lopetegui bishii hore iyada oo ku bashay tababareheedii taariikhda ka galay kooxda ee Zinedine Zidane kaas oo si lama filaan ah uga tagay kooxda Los Blancos kadib markii uu kooxda ku hogaamiyay hanashada champions League 3-aad oo xiriir ah.

Los Blancos ayaa haatan si Rasmi ah ugu dhawaaqday shaqaalaha tabaabarka ee tababare Julen Lopetegui kuwaas oo kooxda ka caawin doona in ay dhisaan koox bilaa Zidane iyo Ronaldo ah.

Julen Lopetegui ayaa kooxda Real Madrid kula soo biiray 6 tababare kuwaas oo ka caawin doona in ay kooxdu sii wado guulaha tartamada kala duwan.

Saddex ka mid ah ayaa Julen Lopetegui kala soo biiray xulka qaranka Spain kuwaas oo kala ah tababaraha ah gacantiisa midig ee Pablo Sanz, tababaraha caawiyaha jir dhiska Oscar Caro & Jose Conde.

Tababarihii caawiyaha ee Zinedine Zidan ee Antonio Pintus ayaa isagu wali jooga kooxda kadib markii uu go,aansaday in uu iska joogo kooxda Estadio Santiago Bernabeu.

Labada tababare ee ugu dambeeya ayaa ah Javier Mayoral oo ah tababare kale oo jir dhis iyo Juan Canales oo ah tababaraha goolhayayaasha.

Fikirkaada Ku Dhiibo Facebook ama qeybta hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada