Rasmi: Daafacii Kooxda Real Madrid Ee Achraf Hakimi Oo Si Rasmi Ah Ugu Biiray Kooxda Borussia Dortmund & Heshiiska Oo Faah-Faahsan

Xiddiga daafacca uga ciyaara kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Morocco ee Achraf Hakimi ayaa si Rasmi ah uga tagay kooxda Real Madrid isaga oo ku biiray kooxda reer Germany ee Borussia Dortmund kadib qaab ciyaareed heer sare ah oo uu soo bandhigay tartankii koobka adduunka ee uu kala qayb galay xulka qarankiisa Morocco.

Xiddiga garabka uga ciyaara Los Blancos ayaa kooxda reer Germany ee Borussia Dortmund ugu biiray heshiis 2 sano oo amaah ah oo uu ku soo qaadan doono khibrad fiican kadib markii ay kooxda Real Madrid la soo saxiixatay xiddiga Odriozola.

Achraf Hakimi ayaa ka tagay Real Madrid si uu ugu biiro Borussia Dortmund oo uu ku soo qaadan doono muddo laba xilli ciyaareed ah sida ay labada kooxoodba ku muujiyeen bayaan ay soo saareen.

Kadib markii ay Real la soo saxiixatay xiddiga Odriozola kaas oo booska daafaca midig kula tartami doona Carvajal fursada Achraf ee u ciyaarista kooxda 1-aad ayaa yaraan doonta.

Achraf ayaa ka soo baxay akademiyada kooxda Real Madrid isaga oo xilli ciyaareedkii hore kooxda Real Madrid u ciyaaray 9 kulan oo ay ka mid yihiin champions League, La Liga iyo waliba Copa Del Rey-ga.

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

Halkaan Ku Qor Fikirkaada