No, No!! Is Not Coming Home: Garasho La`aanta Gareth, Haboowgii Henderson, Boos La`aantii Kane, Jiilkii Dahabiga Ahaa Ee Croatia, Iyo Sadex Qodob Oo Lugu Soo Koobay Karbaashkii England Ku Dhacay.

Kubaddu gurigeey imanaysaa, Kubaddu gurigeey imanaysaa oo kubaddu gurigeey imanaysaa!!! waxay ahayd oraah ama hees caan u noqotay xulka England intii uu socday Muundiyaalkii Ruush-ka ee ay Kaartadoodii ku jireen, laakiin haatan kooxdoodii oo aysan kubaddii iyo koobkii uusan la socon ayaa u tageysa.

Jiilka dahabka ah ee Croatia ayaa si la yaqaan kabaha buudka madaxooda horre ugu garaacay xulka saxaafadda gadaal ka riixaysay ee England iyadoo Mario Mandžukić uu si Raganimmo leh  xulka sadex-da labaad Tikid Celis ah London ugu soo diray.

1- Ma Aqaan Waxa Uu Henderson Halkaas Ka Qabanayey: Marar-ka Qaar Waxaan is dhahaa, malaha qabyaalada lugu xanto Soomalidda ayaa ninkaas lugu safaa, Kabtanka Liverpool wuxuu ahaa mid fashil ah dhamaan kulamaddii uu saftay koobka aduunka, umana qalmin inuu Ruush-ka u safro, laakiin hadii lagu safayo hogaaminta Liverpool Waa Halkeeda.!!

Wuxuu Modric iyo Rakatic u ahaa daawade cajiib ah, ma jirin wax kubadd ah oo uu ku dagaalamay, ma jirin shuut ama Sayruuq uu soo halgaaday, ma jirin kubad joojin uu dhex-da ka samaynayey, ma jirin wax uu ka gebi ahaanba qabtay, marka laga reebo inuu ciyaartooy ahaan garoonka ugu jiray xulka England, dheemanka Real ee Modric ayaana Atoore iyo Laadar labada ka noqday dhexda kulankii caawa ee England.

2: Garasho La`aanta Gareth Southgate Ee Harry Kane: Marka aan saas leenahay, ma rabno inaan u gafno Hogaamiyaha xulka sadexda libaax, laakiin waxaa hubaal ah inuu caawa iska faraduulay Tashkiiladiisii cajiibka ahayd ee uu halkaan ku yimid.

Amaan buuxda ayuu xaqiiqatan ku mudan yahay inuu xulka sadexda libaax 35- sano ka dib ku hogaamiyo heerka wareegaan koob aduun, laakiin inuusan Harry Kane booskiisa ka ciyaarsiin caawa ayaa ahayd wixii uu dhabarka isaga toogtay.

Qaybtii horre Mucjisoolaha Spurs ee Kane ayaa u muuqday mid ku muuqbeelay garoonka ka dib markii uu ka ciyaarayey booska weerarka ka dambeeya iyadoo Raheem Sterling uu afka horre ka samaynayey waxa uu doono, soo orod iyo sii orod oo keliya ayuuna halkaas ka qabayne iyadoo markii la bedelay Sterling xataa Marcus Rashford uu booskaas ka safanayey, waana ayaan darro kale oo muuqatay, iyadoo ahayd wax laga xishoodo in Kane booskiisa laga ciyaarsiin waayo, Iyo inuu koob la`aan ugu noqonayo kooxdii koob la`aanta ku haysay ee Spurs (Tottenham) ayaa ah qaracan kale oo uusan hurdo u geli doonin.

3: Croatia Jiil Dahab Ah Oo Laga Acuudi-Bilaysto: Modric waxa meel ka yar uga soo iftiintay ugu yaraan inuu qayb ka noqdo xaflada lugu bixinayo sadexda laacib ee ugu fiican caalamka sanadkaan, laakiin waa hadii Croatia markii ugu horaysay Taariikhda Zagreb uga dejiyo koobka aduunka, miyeey dhici doontaa?

Wiilashaan Zagreb kasoo shaqo tagay ayeey seeftooda saamaysay xul kasta, hadii Ruush-ka oo minankooda ku maciishayey la macasalaameeyey, waxay caawa markale Malab ka dhigteen xulka England. France ayaa-sa looga baahan yahay inay qaataan habeeno Duco iyo hurdo la`aan ah si ay koobka uga qaadaan xulkaan Croatia.

France ayaa ah xulka uga cad-cad xaqiiq, laakiin Croatia ayaa ah xul kale oo u qalma inuu ku guulaysto koobka aduunka, laakiin su`aasha jawaabtaan maalinta Axada ah ayaa la arki doona oo ay labada xul ku kulmi doonaan dhamaadka koobka aduunka.

Waxaa Qoray Wariye Maxamuud Cabdi Saciid Fantastic.

Halkaan Kala Xiriir Facebook Wariye Maxamuud Fantastic.

Fikirkaada Ku Dhiibo Facebook ama qeybta hoose

2 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “No, No!! Is Not Coming Home: Garasho La`aanta Gareth, Haboowgii Henderson, Boos La`aantii Kane, Jiilkii Dahabiga Ahaa Ee Croatia, Iyo Sadex Qodob Oo Lugu Soo Koobay Karbaashkii England Ku Dhacay.

  1. asc magaceegu waa diini ahmed
    horaa niigu sheegay maanta in croutia 2 goo ku badin doonto marka hala yaabina arintaan aawsy ciyaalkii london ku washay caawa
    qeebtii hore ee ciyaarta waan ka fadhin waynay lkn wax walba way is badaleen markii goosha aan keensanay bareejada parascij ayaa naga fujiyay
    anaka ayaana ugu saraynay ilaa daqiiqadii 120aad sxb koobka croutia ayaan geeneenaa
    byyyyyyyyyyyyyyyy england

    Reply
  2. jaamac yare lovely junior · Edit

    cunsuriyada ayaa ahayd tan ugu wayn ee england koobka kareebtay waayo majiro hal player oo aan primier legue ka ciyaarin iyo tababaraha oo aan khibrad fiican lahayn

    Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada