Nabil Fekir Oo Ku Sii Dhawaanaya Kooxda Liverpool & Xiddiga Oo Kooxdiisa Ku Qabaya In Uu Ku Biiro Reds

Xiddiga Garabka uga ciyaara kooxda Lyon ee Nabil Fekir ayaa lagu soo waramayaa in uu kooxdiisa Heshiis kula gaaray in ay dib wadahadalo ula furto kooxda Liverpool si uu u dhamaystiro heshiiskiisa Riyada sida ay sheegayaan wararku.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in Fekir oo ku dhawaaday in uu ku biiro Liverpool ka hor bilowgii koobka adduunku uu laba jeer la kulmay madaxweynaha kooxda Lyon ee Jean Michel Aulas Intii uu socday koobka adduunka Russia 2018.

24 jirkan ayaa lagu soo waramayaa in uu madaxweynaha Lyon ka helay kalmadiisa oo ah in uu dib wadahadalo ula furo kooxda Liverpool kalana hadlo heshiiskiisa.

Fekir ayaa xulka qarankiisa France la gaaray Finalka koobka aduunka iyaga oo Axada la ciyaari doona Croatia finalka koobka adduunka.

Waxana la rumaysan yahay in uu isku dayi doono in uu u soo dhaqaaqo horyaalka Premier Leageu marka uu dhamado koobka adduunka Russia 2018.

Ku biirista Fekir ee Liverpool ayaa bur-burtay bishii hore kadib markii jilibka xiddiga laga helay dhaawac ka hor inta ayna Lyon ka bixin wadahadalada.

Laakiin madaxweynaha Ayaa laba jeer la fadhiistay wakiilada xiddiga kuwaas oo kala hadlay mustaqbalka xiddiga reer France.

Haatan sida uu yahay arintu Liverpool ayaan wadahadalo la gali doonin Lyon maadama wax walba horay looga heshiiyay iyada oo uu xiddigu si toos ah ugu soo biiri doono Kooxda Liverpool iyada oo uu Madaxweynaha Lyon heshiiska wax ka badalo mooyaane.

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

Halkaan Ku Qor Fikirkaada