Madaxweynaha Kooxda Napoli Ee Aurelio De Laurentiis Oo Si La Yaab Leh Man City Uga Raali Galiyay In Uu Jorginho Ka Doortay Kooxda Chelsea & Sababta Uu Jorginho Isaga Diiday City Una Doortay Bleus Oo Uu Sharaxay

Madaxweynaha Napoli Aurelio De Laurentiis ayaa raali galin ka siiyay kooxda Man City ka dib markii ciyaaryahanka khadka dhexe ee Jorginho uu diiday kooxda heysata horyaalka England si uu ugu dhaqaaqo Chelsea.

Xiddiga reer Italy ayaa u soo duulay London si uu u dhamaystiro ku biiristiisa kooxda chelsea oo ku kacaysa lacag dhan 57 milyan oo euro isaga oo Stamford Bridge kula midoobi doona tababarihiisii hore ee Maurizio Sarri.

Maurizio Sarri ayaa la filayaa in loo magacaabo tababaraha cusub ee kooxda chelsea maalmaha soo socda marka shaqada laga fasaxo tababare Antonio Conte.

Inkasta oo magacaabista Sarri ee kooxda chelsea ay door ka qaadatay doorshahada xiddiga ee Kooxda chelsea hadana, De Laurentiis ayaa sheegay in ku noolaanshaha magaalada London ay door weyn ka qaadatay go,aanka xiddiga ee doorashada kooxda chelsea.

“Jorginho? waxa aan is waydiinay in hadii Jorginho wax codsi ah haysto waa in aan qadarino”ayuu u sheegay Football Italia.

“Sidaa darteed waan ka raali galinayaa Man city”.

“Si kasta ha aahatee hadii uu xiddigu doonayo in uu ku noolaado London marka loo eego Manchester, waan fahmi karaa”.

“Hadii ay kooxda chelsea bixinayso lacag badan, waan fahmi karaa sidoo kale, Jorginho iyo Sarri ayaa mar kale wada midoobo doona? Jorginho waxa uu ku biirayaa Blues hadii uuna xitaa Sarri tagayn”ayuu sii raaciyay.

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

Halkaan Ku Qor Fikirkaada