Kooxda Man City Oo Ka Hadashay Xaqiiqada Wararka Sheegaya In Xiddiga Khadka Dhexe Ee Jorginho Iska Diiday Iyaga Kan Doortay In Uu Ku Biiro Chelsea

Kooxda Man City ayaa afka furatay kana hadashay wararka sheegaya in xiddiga diirada u saaran ee Jorginho khadka dhexena uga ciyaara Kooxda Napoli in uu iska diiday City kana doortay kooxda Chelsea sida uu sheegay madaxweynaha kooxda Napoli ee Aurelio De Laurentiis.

Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay beenisay in xiddiga khadka dhexe ee Jorginho iska diiday kana doortay in uu ku biiro kooxda chelsea iyaga oo waliba ku kalsoon in uu xiddigu iyaga ku biiri doono xagaagan.

Waxa jira warar sheegaya in ay kooxda Man City heshiis la gaartay xiddigan todobaadyo ka hore wakiilka xiddiguna u yimid England si uu iyaga ugu dhamaystiro heshiiska xiddiga.

Maanta ayuu madaxweynaha Napoli xaqiijiyay in uu iska diiday in uu ku biiro Man city isaga oo doonaya in uu ku biiro kooxda chelsea si uu ugu noolaado magaalada London.

“Jorginho? waxa aan is waydiinay in hadii Jorginho wax codsi ah haysto waa in aan qadarino”ayuu u sheegay Football Italia.

“Sidaa darteed waan ka raali galinayaa Man city”.

“Si kasta ha aahatee hadii uu xiddigu doonayo in uu ku noolaado London marka loo eego Manchester, waan fahmi karaa”.

Si kasta ha ahaatee wargayska Manchester Evening News ayaa sheegaya in ilo wareedyo ku dhaw kooxda Man city ay beeniyeen wararkaas oo ay Man city wali ku kalsoontahay in uu xiddigu ku soo biiri doono kooxda Pep Guardiola.

Intaas sii dheer ilo wareedyo ay wargayska MEN u sheegeen in aanu Jorginho wax xiriir ah ka helin kooxda Chelsea taas oo gabi ahaanba ka soo jeeda wararkii uu sheegay madaxweynaha Napoli.

Fikirkaada Ku Dhiibo Facebook ama qeybta hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada