Kooxda Liverpool Oo Ku Dhaw Dhamaystirka Saxiixa Xiddiga Garabka Uga Ciyaara Stoke City Ee Xherdan Shaqiri & Wakhtiga Ay Ku Dhawaaqi Karto Oo La Ogaaday

Kooxda Liverpool ayaa ku dhaw dhamaystirka saxiixeedii 3-aad ee xuuqa kala iibsiga xagaagan iyada oo wadahadalo horumar leh kula jirta kooxda Stoke City oo ay ka doonayso saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara ee Xherdan Shaqiri kaas oo heshiiskiisa lagu bur-burin karo lacag dhan 13.5 milyan euro.

Reds ayaa shalay wadahadalada la furtay kooxda Stoke City iyaga oo ka doonaya xiddiga reer Switzerland kaas oo doonaya in uu isaga tago kooxda kadib markii ay ka hadhay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii hore.

Shaqiri oo diyaar u ah in uu isaga tago kooxda Stoke City ayaa qaab ciyaareed fiican ka soo bandhigay koobkii adduunka Russia 2018 kaas oo uu kala qayb qaatay xulka qarankiisa Switerland.

26 jirkan ayaa haatan ku maqan fasaxiixiisii xagaaga laakiin wargayska Liverpool Echo ayaa sheegaya in ay kooxda Stoke City filayso in uu dhamaystiro ku biiristiisa kooxda Liverpool.

Reds ayaa ku rajo weyn in ay dhamaystirto heshiiska xiddigan ka hor inta ayna u duulin America oo ay kaga qayb qaadan doonaan kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Sidoo kale kooxda Stoke ayaa ku rajo weyn in ay qayb ka mid ah heshiiska xiddigan ku hesho da,yarka kooxda Liverpool garabka uga ciyaara ee Harry Wilson oo heshiis shan sano ah saxiixay shalay.

Fikirkaada Ku Dhiibo Facebook ama qeybta hoose

Halkaan Ku Qor Fikirkaada