Kooxda Barcelona Oo Go,aan Ka Gaartay Xiisaha Xiddiga Kooxda Chelsea Ee Eden Hazard & Saamaynta Uu Ku Yeelan Karo Real Madrid.

Kooxda Barcelona ayaa go,aan Rasmi ah oo kama dambayn ah ka gaartay wararka la xiriirinaya saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda chelsea iyo xulka qaranka Belguim ee Eden Hazard kaas oo lala xiriirinayay adeegiisa kooxaha Real Madrid iyo Barcelona todobaadyadii ugu dambeeyay.

Wargayska Sport ayaa xaqiijiyay in ay kooxda Barcelona bartilmaameedkeeda ugu weyn ka dhigtay saxiixa xiddiga reer Belguim ee Eden Hazard kaas oo tan ilaa dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore lala xiriirinayay in uu ka tagayo Blues.

“Hadii uuna Ahayn Hazard, ayo kale ayuu noqon karaa?” ayaa ahayd jawaabtii uu ilo wareedyo ku dhaw kooxda Barcelona kaas oo sheegay in ay Barcelona doonayso in ay xoojiso kooxda si ay xilli ciyaareedka dambe ugu tartanto hanashada tartanka champions League.

Si ay sidaasi u dhacdo waxa loo baahan yahay in tababaraha gacanta loo galiyo koox uu ugu tartami karo La Liga,Copa Del Rey-ga iyo waliba champions League.

Haatan kooxda Barcelona ayaa la soo saxiixatay xiddiga Arthur kaas oo ay ku buuxinayso booska xiddiga Paulinho kaas oo kooxda ka tagay.

Dhanka kale kooxda Barcelona ayaa doonaysa xiddig ay ku buuxiso booskii Anres Iniesta oo ka tagay kooxda waxana ay Barcelona Eden Hazard u aragtaa xiddig buuxin kara booskaas waxana ay diyaar la tahay lacag dhan 100 milyan oo euro.

Warkan ayaa dhabar jab ku noqon doona kooxda Real Madrid oo xiddigan u aragta badalka Cristiano Ronaldo oo kooxda ka tagay kuna biiray Juventus.

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

Halkaan Ku Qor Fikirkaada