Juventus Mise….? Wakiilka Cristiano Ronaldo Ee Jorge Mendes Oo Haatanba Sheegay Kooxda Uu Xiddigu Kaga Fadhiisan Doono Ciyaaraha

Inkasta oo uu kaliya shalay noqdo xiddig Juventus ah hadana wakiilka xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ee Jorge Mendes ayaa sheegay kooxda uu xiddiga reer Portugal ciyaaraha kaga fariisan doono.

Wakiilka Cristiano Ronaldo ee Jorgen Mendes ayaa xaqiijiyay in kooxda Juventus noqon doonto kooxdiisii ugu dambaysay ee uu u ciyaaro kubada cagta.

“Juventus waxa ay noqon doonta kooxdiisii ugu dambaysay, waanan ku faraxsanahay in uu go,aankaas qaatay”ayuu yiri.

Bianconeri ayaa shalay si Rasmi ah ugu dhawaaqday in ay la saxiixatay xiddiga haatan haysta abaalmarinta Ballon d’Or kaas oo ay ka bixiyeen 100 milyan oo euro.

Cristiano Ronaldo ayaa qalinka ku duugay heshiis 4 sano ah oo uu kooxda ku guulaystay horyaalka Seria A-da ku guulaystay.

“Waxa aan u faraxsanahay Cristiano Dartiid’ayuu u sheegay Sport.

“Juventus ayaa noqon doonta kooxdiisii ugu dambaysay, waanan ku faraxsanahay in uu qaatay go,aankaas, kooxdan waxa uu ku soo xiri doonaa xirfadiisa ciyaareed”.

“Waxaan u mahadcelinayaa [Andrea] Agnelli gaar ahaan go’aankiisa iyo inuu doonayayay in uu wadahadalo la galo kooxda Real Madrid, waxa aan sidoo kale u mahad celinayaa gudoomiyaha guud ee kooxda Juventus Beppe Marotta kaas oo muujiyay xirfadnimo cajiib ah”.

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

Halkaan Ku Qor Fikirkaada