DEG-DEG: Kooxda Barcelona OO Bixisay Lacagta Lagu Bur-Burin Karo Heshiiska Daafaca Sevilla Ee Clement Lenglet & Wakhtiga Uu Xiddigu Dhamaystiri Doono Heshiiska Oo La Ogaaday

Kooxda Barcelona ayaa si Rasmi ah u bixisay lacagta lagu bur-burin karo heshiiska xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Sevilla iyo xulka qaranka France ee Clement Lenglet kaas oo heshiiskiisa lagu bur-burin karo lacag dhan 35 milyan oo euro kaas oo noqon doona saxiixa 2-aad ee ay samayso kooxda Barcelona xagaagan sida laga soo xigtay wargayska AS.

Xiddiga reer France ayaa la filayaa in ay kooxdiisu ogolaansho u siiso in uu u safro Catalonia maalinta khamiista si uu u dhamaystiro heshiiska uu inta badan sugayay.

Kooxda Barcelona ayaa isku dayaysay in ay heshiis la gaaro kooxda Sevilla si ay u hesho xiddiga 21 jirka ah todobaadyadii ugu dambeeyay iyaga oo doonayay in ay wax ka dhimanaan qiimaha lagu bur-burin karo heshiiska xiddiga laakiin kooxda Seviila ayaa diiday in ay ka hadasho qiimaha lagu bur-burin karo heshiiska xiddiga.

Lenglet ayaa haatan tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareeedka cusub la qaadanaya kooxda Seviila laakiin waxa loo ogolaan doonaa si uu tijaabada caafimaadka ugu maro Barcelona sidoo kale heshiiska ugu saxiixo.

Kooxda Barcelona ayaa si aad ah u rabta in ay saxiixa xiddigan ku garaacdo kooxo ay ka mid tahay Man United iyaga oo bixiyay lacagta lagu bur-burin karo heshiiska xiddiga.

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

Halkaan Ku Qor Fikirkaada