Clement Lenglet Oo Noqday Xiddigii Ugu Dambeeyay Ee Ay Barcelona Kala Wareegto Sevilla, Imisa Xiddig Oo Hore Ayay Kala Wareegtay?

Daafaca kooxda Sevilla iyo xulka qaranka France ee Clement Lenglet ayaa ku dhaw in uu noqdo xiddig Barcelona ah kadib markii ay kooxda ku guulaystay La Liga bixisay lacagtii lagu bur-burin karay heshiiska xiddigan taas oo dhan 35 milyan oo euro.

Kooxda Barcelona ayaa suu ka furtay kooxda Sevilla iyada oo kooxdaas kala soo wareegtay xiddigii 6-aad tobankii sano ee ugu dambeeyay.

Xiddigaha Dani Alves, Seydou Keita, Adriano, Ivan Rakitic & Aleix Vidal ayaa dhamaantood Barcelona kaga soo biiray kooxda Sevilla iyada oo haatan lacagta ay xiddigahaas kaga iibsatay kor ugu qaaday 117 milyan euro.

Xiddiga ugu qaalisan saxiixyadaad ayaa sidoo kale noqday xiddigii ugu fiicnaa waxana uu ahaa Dani Alves oo ay kula wareegtay lacag dhan isaga oo Barcelona ku qaatay 8 sano oo uu kula guulaystay koobab badan.

Keita ayaa Alves kula biiray Barcelona isaga oo noqday saxiixii ugu horeeyay ee Pep Guardiola waxana uuuu Lenglet noqon doonaa xiddigii 6-aad oo Barcelona kaga soo biira Sevilla kadib markii ay ogolaatay lacagta lagu bur-burin karo heshiiskiisa.

Adriano ayaa sidoo kale kooxda Barcelona kaga oo biiray Sevilla iyada oo ka bixisay 14 milyan oo euro kuna qaatay kooxda 6 sano waxana ugu dambeeyyay xiddigaha Rakitic iyo Vidal oo ay kula soo saxiixdeen min 18 milyan oo euro.

Fikirkaada Ku Bixi Facebook Ama Hoos

Halkaan Ku Qor Fikirkaada